Sign in to follow this  
Deeq A.

Baashe Yuusuf Cadde Oo Ka Mid Ahaa Xildhibaannadii Ugu Horreeyey Ee Ay Somaliland Yeelato Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum xildhibaan hore Baashe Yuusuf Cadde oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 09/02/2020, magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Haldoor ka baxay dalka iyo dadka, door muhiimana ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland, kana mid ahaa Xildhibaannadii ugu horreeyey ee ay Somaliland yeelato, markii ay dib ula soo noqotay xorriyaddeeda, kuna suntanaa halgankii xornimo-doonka.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this