Deeq A. Posted February 9, 2020 Shacabka ku dhaqan Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo, ayaa bilaabay in ay guryahooda ka cararaan, ka dib markii ay dareemeen in culeys uu ku soo kordhay degmadaasi. Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland oo kala joogga gudaha iyo duleedka degmadaasi ayaa waxa Sabtidii dhex maray isku dhac uu dhiig ku daatay, taasoo baqdin gelisay dadka reer Beled Xaawo. Wararka laga helayo Degmada Beled Xaawo ayaa sheegaya in dadka degaanka ay saacadihii la soo dhaafay bilaabeen in ay barakacaan. Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Degmada Beled Xaawo ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in lagu baajiyo colaadda halkaasi ka aloosan oo ku daata degmadaasi. PUNTLAND POST The post Barakac ka bilowday degmada Beled Xaawo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites