Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Goodax Barre oo jawaab siiyey ardayda cabaneysa ee Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbashada xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa markale ka hadlay xiisada wasaaraddiisa kala dhexeysa dowlad goboleedka Puntland.

Goodax Barre ayaa marka hore u jawaabay ardayda dhigata iskuulada ku yaalla deegaanada Puntland oo dhowaan dalbaday in aan la siyaasadeyn waxbarashadooda.

Wasiirka oo u jawaabayey ardaydaas oo muuqaalladooda lagu baahiye Internet-ka ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay inay garab istaagto arday kasta oo Soomaaliyeed, si uu helo waxbarasho dhameystiran, islamarkaana ardayda wax ka barta deeganada Puntland ay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka.

“Ka wasaarad ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan garab istaagno ardey kasto oo Soomaaliyeed, si u helo waxbarasho dhameystiran, islamarana u qaato shahaado cadeyneysa waxa uu bartay, Ardeyda wax ka barta deegannada Puntland, waxay la siman yihiin kuwa kale ee ku nool gobollada dalka”. ayuu yiri wasiir Goodax Barre.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wasaaraddiisu aysan dan gaar ah ka laheyn Puntland, balse ay muhiim tahay inay galaan imtixaanaadka Qaranka ee dowladda.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo meeshii ugu sareysay uu gaaray khilaafka waxbarasho ee u dhexeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Puntland, mana muuqdo isku dhowaansho ay muujinayaan labada dhinac.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this