Sign in to follow this  
Deeq A.

Dal suuli in la helaa xaq dastuuri ah ka tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dal suuli in la helaa xaq dastuuri ah ka tahay

.

Waraaqahayaga taxanaha ah ee ay noo soo diraan suxufiyiinta Afrika, waxa ka mid ah tan ka timi Joseph Warungu oo ah tabobare saxaafadeed oo uu ku eegay xukun maxkamadeed oo dhibaatooyinka safarada ka soo afjari doonta.

Hadaanu nahay reer Kenya waxaanu ogaanay in aanu xaq dastuuri ah u leenahay in aanu suuli dadweynaha ka dhexeeya galno oo ay lacagtiisana bixiso dawladdu.

Waana sidan.

Markaad u kala safrayso meelaha kala fog ee Kenya oo aad dhulka marayso, waa dhibaato aanay dad badani jeclayn.

.

Caqabada ugu wayni se waa weeyi in aad adigoo nabad qaba gaadho halkaad ku socotay. In ka badan 3400 oo qof ayaa wadooyinka Kenya ku dhintay sannadkii hore, taas oo ah in ay dhimashadu korodhay 13% marka la barbar dhigo 2018.

Sababta ugu weyni waxa weeyi xawaare badan iyo iyadoo dadka oo sakhraansan oo baabuurta wada iyo daal.

Hadii aad geeri ka badbaado ama dhaawac halis ah, ka baxsan maysid naxdinta iyo rafaadka wadooyinka.

In kasta oo wax badani iska bedeleen kaabeyaasha dhaqaalaha Kenya sannadihii u dambeeyey, wadooyinka qaar ayaa weli liita oo aan marka roobku da’ o la mari karin.

Maadaama oo aanu nahay dal Ingiriisku gumaysan jiray, Kenya haadku waa bidixda laakiin dad badan ayay qasab ku noqotaa in ay dhan walba bidix u maraan maadaama oo godad wadooyinka ka buuxaan xataa kuwa badhtamaha caasimada Nairobi ku yaal.

Waxa jirta sabab kale oo safarka kugu dheeraynaysa- suuli la’aanta.

Markaad fuushan tahay basaska buuxa ee kaadi ku qabato dhib baad mudanaysaa.

Sababtuna waxa weeyi markii dawladu dhisaysay wadooyinkaa waaweyn suuliyo dadka ka dhexeeya wadada agteeda kamay dhisin.

Markaa dirawalladu marmar bay joogsadaan kaymaha dhexdooda, isla marka albaabka la furona dadku dhan walba way u cararaan si ay geed yar oo ay ku gabadaan u helaan oo ay u nafisaan.

.

Waxa ka soo baxa sawir laga xishoodo, dumar iyo caruur is wada ag kambadhuudha.

Ceebtase waxa qariyaa waa in qof kasta tiisu cuslaysay oo dhamaan kaadi loo wada fadhiyo.

‘Cunto xun’

Ardayda aan wax baro qaarkood oo dhigta kulliyad ku taal gobolka xeebta ee Mombasa ayaa iiga sheekeeyey sida safar ay ku tageen badhtamaha Kenya, masaafo qiyaastii ah 700 Km.

Intaanay ka dhaqaaqi Mombasa, ayay cunto cuneen oo calooshu ku xanuuntay.

“Maadaama oo aan suuliyo jirin, dirawalkii baska ayey qasab ku noqotay inuu dhawr jeer kaynta dhexdeeda joogsado si aanu caloosha na socota uga nafisno” ayuu igu yidhi ardayda midkood. “Safarkii ugu dhibta badnaa ee aan 10 saacadood socday ayuu ahaa”.

.

Laakiin haatan gurmad baa yimid oo waxa keenay nin maxkamadda dacwad geeyey si ay dawladda ugu qasabto in ay dhibaatadan dadka ka fududayso.

Adrian Kamotho Njenga ayaa dawladda dacweeyey doodiisuna ahayd in ay ku xad gudubtay dastuurka maadaama oo ay dadka wadooyinka waawayn agtooda uga dhisi weyday suuliyo.

Afar qaybood oo kala ah golaha badhasaabada oo ka kooban 47, hay’adda wadooyinka Kenya, iyo ha’yadda wadooyinka baadiyaha iyo hay’adda wadooyinka magaalooyinka dhexdooda mara ayaa dhamaantood beeniyey eeddaas.

Dadka qaar baa yidhi Njenga muu faahfaahin sida dawladdu ugu xadgudubtay dastuurka mar hadaanay suuliyo dhisin. Qaar kale ayaa ku dooday in aanay waajib dastuuri ah arintaasi ka saarrayn dowladda.

Laakiin sida qof aan kaadida xajin karayn oo kale ayuu Njenga maxkamadda ugu hawl galay in maxkamaddu xal keento.

Wuxu ku dooday maadaama oo dawladu ku guul sarraysatay in ay suuliyo dhisto, in dadka wada marayaa aanay haboonayn in ay dadku ay wadada hareeraheeda fadhiistaan oo sharafkooda arintaasi wax u dhimayso.

Suuli la’aan = Ciqaab

Wuxu xitaa daliil ka soo qaatay Deuternomy oo ah jiska shanaad ee Bible-ka, markii Muuse reer Banii Israaiil oo ku socda dhulkii loo ballanqaaday uu faray in ay meeshay dageen ay ka samaystaan suuliyo ay ku nafisaan.

Xataa hadii taa ay maxkamadu ku qanci waydo aayadahaa uu Bible-ka ka soo xigtay, Njega wuxu ku dooday in suuli la’aantu ay socotada u loogaysto “ciqaab bayoolojiyeed iyo mid jidheedaba marka ay marayaan wadooyinka Kenya”.

Waa kuwaa waxaan idin odhan lahaa mana malaysan karo anoo wada agteeda fadhiya qudhaydu.

Laakiin waxay noqdeen kuwo adag kama dambaystiina garsoorihii wuu ku qancay doodii Njenga waxaanu amar ku siiyey waaxyaha dawladda ee ay khusayso in ay meel mariyaan in suuliyo iyo adeegyada kale ee nadaafadeed ba au wadooyinka Kenya agtooda ka dhisaan.

Markaa, waxaanu dhamaantayo u hanqal taagaynaa maalinta anagoo socoto ah aanu ka nasan doono markaanu istaagno in aanu iska eegno saxaro intaanu raadsanayno meel aanu fadhiisano.

Haatan se inta aanay jirin suuliyadaa “dastuuriga” ahi, kaymaha quruxda badan ee ku yaal hareeraha wadada isku xidha Nairobi iyo Kisumu xaga galbeedka ama ilaa Mombasa oo xeebta ah, waxa lagu arki doonaa uun muuqaalo fool xun oo ah aadame saxaro u wada fadhiya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this