Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba qof oo lagu toogtay duleedka Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (SMN) – Laba qof ayaa la sheegay in galabta lagu toogtay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Shaqsiyaadka ayaa la tilmaamay in ay ahaayeen burcad jidka u geli jirtay gaadiidka rakaabka ee gobolkaas.

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa la tibaaxay in ay ka dambeeyeen falkaas oo yimid markii ay is-rasaaseeyeen.

Wararka ayaa tibaaxaya in ragga Shabaabka ahaa ay horey usii qaateen qoriga ay wateen kooxaha burcadda ah.

Hay’adda ammaanka gobolka ayaanan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan oo timid iyaddoo tabashooyin ay isa soo tarayeen.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this