Deeq A. Posted February 8, 2020 Muqdisho (SMN) – Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa war ka soo saaray laba duqeymo dhanka cirka ah oo diyaaradahooda ay ka fuliyeen nawaaxiga magaaladda Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe. Mareykanka ayaa sheegay in duqeymahaasi fuliyeen iyagoo garab ka helaya ciidamadamada sidda gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya, isla markaana ay duqeyntaasi la beegsadeen xubno ka tirsan Al-Shabaab. Warka kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymahaasi ay ku burburiyeen goob ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, sidoo kalana ay laba xubnood oo Al-shabaab ah halkaasi ku dileen. Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in duqeynta aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka rayidka ah ee halkaasi ku nool,balse ay wali wadaan baaritaan dheeraad ah. Dowladda Mareykanka ayaa sanadihii ugu danbeeyay kordhisey duqeymaha cirka ah ee ka dhanka ah xarakadda Al-Shabaab ee uu ka fuliso qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha waddanka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites