Sign in to follow this  
Deeq A.

Ujeedada Socdaal Raysal Wasaaraha Canada Uu Ku Tagay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayaa socdaal rasmi ah ku tagay magaaladda Addis Ababa ee Caasimada dalka Ethiopia, waxaanu inta uu joogo dalka Ethiopia uu ka qaybgali doonaa shirka Midawga Afrika oo maalinta Barito ka furmi doona Addis Ababa.

image.jpg

Raysal Wasaaraha Canada ayaa la filayaa inuu toos ula kulmo qaar ka mid ah 54 hogaamiye ee shirkaasi Afrika isugu imanaya, si uu taageero uga helo olole dalkiisu ugu jiro laba kuri Qaramada Midoobay ah gaar ahaana Golaha Amaanka ee Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, oo loo codayn doono bisha June ee sanadkan.

82995966_2508397706087990_68175352681428

48 jirkan Raysal Wasaaraha ka ah dalka Canada ayaa socdaalka uu ku tagay Addis Ababa ka dhigaysa Raysal Wasaarihii ugu horreeyay ee Canada ka socda ee ka qeyb gala Shirka dalalka Afrika ay ku yeeshaan Addis Ababa.

Waxa sidoo kale la filayaa in Raysal Wasaaraha Canada uu socdaal ku tago dalka Senegal oo uu wadahadalo laba geesood ah kula yeelan doono Madaxweynaha Senegal, Macky Sall kadibna waxa uu uga sii gudbi doono dalka Jarmalka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this