Sign in to follow this  
Deeq A.

Gedo: Dagaal Dhexmaray Ciidanka Dowladda Iyo Kuwa Jubbaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Israsaaseyn kooban ayaa maanta degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo waxa ay ku dhexmartay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo dhawaan halkaasi la geeyay iyo ciidamo taabacsan dowlad goboleedka Jubbaland gaar ahaan wasiirka amniga Cabdirashiid Xasan Janan.

Goobjoogayaal ayaa u  xqiijiyey Goobjoog News in dagaalkan uu dhacay ka dib markii ciidamada taabacsan wasiir Janan oo iyagu ku suganaa duleedka magaalada Beladxaawo ayaa soo galeen gudaha magaalada taasina ay keentay in raasaas daqiiqado socotay ay halkaasi ku dhexmarto labada dhinac.

Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku geeriyooday dagaalka iyada oo mid kale uu ku dhaawacmay, waxaana haatan la soo sheegayaa in cabsi kale laga qabo dagaal

Ciidamada dowladda ee goblkaasi la geeyay ayaa wado dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana xusid mudan in masuuliyiin ka tirsan Jubbaland sida Maxamuud Sayid Aadn  oo ah madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Xasan Janan ay iyaguna dhoolatus ciidan ka sameeyeen duleedka mgaalada Beladxaawo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this