Deeq A. Posted February 8, 2020 Wararka ka imaanaya Gedo ayaa sheegaya in maanta israsaaseyn u dhexeysay ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland laga maqlay degmada Beledxaawo ee gobolkaasi. Israaseynta ayaa timid, kadib markii labo askari oo ka tirsan ciidanka Jubbaland ay ka biyo diideen inay hubka dhigaan, taas oo sababtay in labada ciidan ay isku dhacaan. Ilo deegaanka ayaa sheegay in iska hor imaadka labada dhinac uu ku dhintay, 1 askari mid kalena uu ku dhaawacmay, kuwaas oo ahaa labada askari ee ka tirsanaa Jubbaland. Xaaladda ayaa hadda ah mid degan, balse waxaa Beledxaawo iyo duleedka laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites