Sign in to follow this  
Deeq A.

Degdeg: Aqalka Sare Oo Ansixiyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada golaha aqalka sare oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa waxa ay dood adag ka yeesheen akhrinta 3-aad ee hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka iyaga oo maanta ugu dambeyn ansixiyay sharcigaasi.

Gudoonka golaha aqalka sare ayaa sheegay in cod aqlabiyad leh ay Senetarada golahaasi ku meel mariyeen sharciga doorashooyinka qaranka oo dood adagi ay ka taagnayd.

Sharcigan Waxaa Ogaaladay 27 Senatar, Waxaa diiday 6, Cidna kama amuusin.

Sharcigaan ayaa horay waxaa u soo meel mariyay 28-kii December xildhibaanada golaha shacabka Soomaalia.

Sharcigan ayaa dhaqan galaya marka uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this