Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo shaaciyey fashilka dowladda iyo lix qodob oo xasaasi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimada Online) – Siyaasiga mucaaradka C/raxmaan Cabdishakuur Warsame oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan waxa uu qabsoomay dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo oo maanta ay buuxsantay muddo 3-sano ah.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyey lix qodob oo uu sheegay inay ku fashilantay dowladda federaalka, kuwaas oo kala ah:-

Dhismaha ciidamada, dhameystirka Dastuurka, qorsha amniga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka, wadahadalla Somaliland, dib u heshiisiin guud oo la hirgaliyo iyo siyaasaradda arrimaha dibadda oo uu siyaasigu tilmaamay in aysan fadhin.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo hoggaamiyo xisbiga Wadajir ayaa si adag ugu dhaleeceeyey dowladda inay ka gaabisay wax ka qabashada lixdaasi qodob.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxa dowladdu taasi bedalkeed ay ku mashquuleen arrimo siyaasadeed oo iyaga u gaar ah, sida dagaalka maamul goboleedyada.

Shirka jaraa’id ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku soo aadaya, iyadoo la filayo in caawa wasiirka warfaafinta Soomaaliya uu hor yimaado dadweynaha, isaga oo ka qeyb galaya barnaamij looga hadlayo waxqabadka dowladda 3-sano kadib.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this