Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Golaha Aqalka Sare Oo Maanta Meelmarinaya Sharciga Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaanada golaha aqalka sare ayaa maanta lagu wadaa in ay si rasmi ah u meelmariyaan sharciga doorashooyinka dalka si loo cadeeyo nuuca doorasho ee dalka ka qabsoomi doonto sanadka 2021-ka.

1-dii bishan ayey ahayd markii mudanayaasha aqalka sare ay dood adag ka yeesheen hindise sharciyeedka doorashooyinka qaranka,waxaana maalinkas la isku raacay fadhi kale.

Fadhigaan maanta ayaa la filayaa in Senetarada aqalka sare ay meel mariyaan sharcigan oo ay horay u soo ansixiyeen xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa 28-kii Decemeber meel mariyay sharciga doorashooyinka qaranka haddii maanta ay meelmariyaan golaha aqalka sare waxa kaliya sharcigan u harsanaan doona saxiixa madaxweynaha.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this