Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharci lagu muransanaa

Recommended Posts

Deeq A.   
farmaajo.jpg?w=1000&ssl=1Madaxweynaha Soomaaliya oo xasiixay shirciga Batroolka

Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay Sharciga Baatroolka dalka, kaddib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka ay .hawaan meelmariyeen

War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharcigan uu hagayo xuquuqda muwaadiniintu ay u leeyihiin in looga faa’iideeyo khayraadka ceegaaga dalka, isaga oo xeyndaab u noqonaya, kana ilaalinaya takri-falka, damaca shisheeye iyo musuqmaasuqa.

Sharciga Baatroolka ee uu meelmariyey Madaxweyne Farmaajo la sheegay in uu ku saleysan yahay sharciyaddii Batroolka iyo macdanta dalka, dastuurka iyo heshiiska Lahaanshaha, Maamulka iyo Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ee lagu saxiixay Baydhabo.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay war in meel-marinta Sharciga Baatroolka ay maalgashadeyaasha caalamiga ah u muujinayso sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka miro-dhalinta hiigsigooda ku aaddan xasilloonida dalka iyo in ay wadajir ugu tallaabaan Guga barwaaqo-sooranka iyo horumarka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Golaha Xukuumadda, Xildhibaannada iyo dhammaan khubaradii Soomaaliyeed ee qaybta ka qaatay uga mahadceliyey dadaalka ay galiyeen sharcigan

Qaar kamid ah dowlada goboleedyada dalka ayaa horey u qaadacay sharcigan, kuwaas oo sheegay in Sharciga Batroolka uusan waafaqsaneyn mabaadi’ida ku xusan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, gaar ahaanna qodobkiisa 44-aad oo qeexaya in qeyb-siga Khayraadka Dabiicig ah uu noqdo mid ku dhisan Wada-xaajood dhexmara dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka.

Arrinta ayaa cirka ku sii shareereysa khilaaf mudada jiray ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowladda goboleedyada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay Sharci lagu muransanaa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this