Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Janan oo ku dagaalamay Beled-Xaawo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in goor dhow israsaaseyn laga maqlay gudaha degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi.

Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ciidamo taabacsan wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) ay gudaha u galeen qeybo ka mid ah degmadaasi.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in ciidamadaasi iyo kuwa dowladda ee ku sugan halkaasi ay isku dhaceen, islamarkaana uu dhexmaray iska hor imaad kooban.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in dagaalkaasi hal askari looga dilay wasiir Janan, halka laba askari laga dhaawacay dhanka ciidamada dowladda.

Dadka aan la hadalmnay ayaa sidoo kale sheegay in haatan xaaladu ay dagan tahay, islamarkaana ciidamadii Jubbaland ay dib ugu laabteen duleedka degmada Beled-Xaawo oo ay markii horaba ka yimaadeen, halkaas oo ay ka wadaan dhaq dhaqaaq xoogan.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac oo ku aadan xaaladda kacsanaanta ah ee ka jirta halkaasi iyo dhaq dhaqaaqyo ka socda gobolka Gedo.

Dowladda federaalka ayaa maalmihii dambe isku fidisay gobolkaan, iyadoona Jubbaland ay dhankeeda bilowday dhaq dhaqaaqyo ay uga hortageyso ciidanka dowladda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this