Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Laga Helay 29 Qof Oo Looga Shakiyey Cudurka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Xaruunta dabagalka cudurka Coronavirusee ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay tani iyo marka uu cudurka dillaacay xaruunta in la soo gaadhsiiyeyay 29 qof oo cudurkaasi looga shakiyey.

110701282_coronaethiopia.jpg

Wasaaradda caafimaadka oo qabatay shir jaraa’id oo ay cudurka kaga hadleysay waxay sheegtay in 29-ka qof oo cudurka looga shakiyey xaruunta ay soo gaadheen isla-markaana dabagal iyo hubin dheeraad ahna lagu sameeyey.

Waxayna wasaaraddu sheegtay baadhitaan qoto dheer oo lagu sameeyey 29-ka qof ee xarunta soo gaadhay 14 ka mid ah waxaa laga helay calaamado cudurkaasi u eg inta si rasmi ah looga ogaanayey iney cudurkaasi qabaan iyo inkalana waxaa lagu karantiilay goob u gaar ah oo lagula socdo xaaladdooda.

Dadkaasi looga shakiyey cudurka muunad laga qaaday oo Koonfur Afrika baadhitaan looga dirayna waxaa lau ogaaday 8 ka mid ka ah iney cudurka ka bad qabaan, 3-da qof ee soo hadhayna natiijada baadhitaankooda Koonfur afrika laga sugayo.

Waxayna wasaaraddu intaa ku dartay 3 qof oo kale oo cudurka looga shakiyey in baadhitaankooda loo dirayo Koonfur Afrika.

Magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha uu cudurka ka soo bilaamay dhammaan dadka ka yimaadda waxaa la go’aamiyey in goob u gaar ah lagu karantiilo inta caafimaadkooda laga hubinayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this