Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Rwanda oo kala saxiixday heshiis ku saabsan Hawada labada dal

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladaha Soomaaliya iyo Rwanda ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan Hawada labada dal si loo sahlo ganacsiga labada waddan.

Soomaaliya ayaa waxaa heshiiska u saxiixay wasiirka Duulista Hawada Maxamed Cabdulaahi Salad, halka dowladda Rwanda uu u saxiixay Wasiirka Kaabayaasha Claver Gatete.

Wasiirka Duulista Hawada Maxamed Cabdulaahi Salad ayaa aad u soo dhoweeyay horumarka uu gaaray dalka Rwanda isagoo ku tilmaamay in heshiiskan uu xoojin doono ganacsiga labada dal.

Sidoo kale Wasiirka Kaabayaasha dalka Rwanda Gatete ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay kii boqolaad oo ay dalal caalamka ka tirsan la saxiixatay dowlada Rwanda, uuna rajeynayo in albaabo ganacsi oo cusub u furo labada dal

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Rwanda oo kala saxiixday heshiis ku saabsan Hawada labada dal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this