Sign in to follow this  
Deeq A.

Maareeye oo su’aal ka keenay dhismaha maamullada dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa soo hadal qaaday arrimo ku aadan wadashaqeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedya dalka.

Maareeye ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ee haatan jirta ay tahay Dastuurka oo aan la waafajin markii la dhisayey maamullada ka jira dalka, islamarkaana nidaam qabali ah wax lagu dhisay markii hore, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo wuxuu  tilmaamay in khilaafka hadda jira saldhigiisa uu weyn uu yahay arrintaasi, islamarkaana la’isku hayo qodobo Dastuuri ah.

Halkaan hoose ka dhageyso codka

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Cadaani-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this