Deeq A. Posted February 8, 2020 Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa guddoomiye iyo ku xigeen cusub oo KMG ah loogu magacaabay degmada Goldogob ee gobolka Mudug. Halkaan hoose ka akhriso: Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta Degmadda Goldogob. Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo. Markuu garowsaday: In ay dhamaatay mudo xileedkii Golaha Degaanka Degmadda Galdogob, walina aysan suurto galin in la dhiso gole Deegaan oo cusub. Markuu tixgaliyay: Talo soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuquraadiyeynta Dowladda Puntland. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Cabdiqaadir Khaliif Xaashi si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmadda Galdogob. 2. Waxaa Siciid Muuse Shire si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmadda Galdogob. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites