Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Janan oo ka warbixiyey sidii uu uga baxsaday xabsiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka amniga Jubbaland, Cabdirashiid Nuur Xasan, (Janan) oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey qaabkii uu uga baxsaday xabsiga uu ugu xirnaa dowladda federaalka ee magaalada Muqdisho.

Janan oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in markii uu ka baxsaday halka uu ku xirnaa uu saddex maalmood ku suganaa isla magaalada Muqdisho, ka hor inta uusan doon ku tagin magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay been abuur yihiin eedeymaha loo heysto ee ay sheegtay dowladda Soomaaliya, kuwaas oo la xariira arrimo bani’aadanimo.

Ugu dambeyn wasiirka amniga Jubbaland oo hadalkiisa sii wata ayaa eedeyn u jeediyey hay’adda Amnesty International, wuxuuna sheegay in magaca hay’addaasi ay si qaldan u adeegsanayaan shaqsiyaad gacan saar la leh dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/ccc.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this