Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo qeyb ka ah Shir deg deg ah oo looga horjeedo go’aankii Trump ee Quddus

Recommended Posts

Deeq A.   

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo gaaray Magaalada Amman ee Caasimadda Jordan ayaa  ka qaybgalayaan shir deg deg ah oo maanta ka furmaya Magaaladaas.

Ajendaha shirka waxa uu yahay in Guddoonnada Baarlamaanada Carabta ay fadhi ka yeeshaan go’aankii Madaxweynaha Mareykanka Trump ee ku aadanaa Heshiiska Qarniga ee Falastiin lagu dafiray madax banaanidooda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jordan ayaa furaya fadhiga, isla xiligaas waxa uu martida ka hor sheegayaa kulanka deg deg ah iyo doorka dalalka islaamka ee garab istaagga u muujinaya dad falastiiniyiinta.

Kulanka marka uu furmo kadib, waxa uu qorshuhu yahay in warmurtiyeed ay ku mideysan yihiin Baarlamaanada Dalalka Carabta oo lagu difaacayo qadiyadda falastiin, loogana soo horjeesanayo Heshiiska Qarniga ee uu wado Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa cambaareen kala kulmay inta badan wadamada islaamka, kadib markii uu ku dhawaaqay heshiiska Qarniga oo ka dhigan in Falastiiniyiinta aysan yeelan Dowlad, isla markaana ay ku hoos-noolaadaan Israel.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo qeyb ka ah Shir deg deg ah oo looga horjeedo go’aankii Trump ee Quddus appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this