Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaaf oo shaaciyey inuu safiirka Mareykanka fargalin ku hayo GALMUDUG

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo weli sheegta madaxweynaha Galmudug ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray kaga hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan warkii dhowaan soo yeeray safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay xafiiska Xaaf oo uu haatan fadhigiisu yahay Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto uu faragelin qaawan ku hayo arrimaha Galmudug, islamarkaana uu taageeray maamul lagu dhisay Afgambi.

Sidoo kale wuuxu sheegay in beesha caalamka looga baahan yahay inay qaadato doorkeeda ku aadan Galmudug, iyada oo ka shaqeyneysa danaha guud ee maamulkaasi.

Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda Mareykankanka inay wax ka bedasho siyaasadeeda Soomaaliya, gaar ahaan tan dowlad goboleedka Galmudug, islamarkaana ay ka laabato go’aankii hore ee ay ku dhawaaqday.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Mareykanka uu noqday dalkii ugu horreeyey ee taageeray doorashadii Qoor-Qoor ee lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Halkaan hoose ka aqriso:

85067617_887961228286623_245327611106531

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this