Deeq A. Posted February 7, 2020 Garowe (SMN) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta wariyeyaasha kula hadlay magaalada Boosaaso. Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda Soomaaliya in ay maamul goboleedyadda ka abuureyso xasiloonida daro kuna burburineyso dhaqaalo. Xubnaha Puntland ku metela labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayuu ugu yeeray shir 15-ka Maaj, 2020 ka dhacaya Garowe. Kulankaas ayuu xusay in looga hadli doono xiriirka sii xumaanaya ee ka dhaxeeya maamulkiisa iyo xukuumadda federaalka. Ugu dambeyntii, hogaamiyaha Puntland ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta, maamuladda iyo shacabka in laga wada shaqeeyo badbaadinta dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites