Deeq A. Posted February 7, 2020 Golaha xukuumadda Puntland oo shir ku yeeshay magaalada Boosaaso, ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay ku fashilantay Hoggaaminta dalka. War-murtiyeed ka kooban laba bog oo shirkaasi ka soo baxay, ayaa lagu sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ay ku fashilantay dhammaan hawlihii loo doortay sida sugidda Amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka, dib u-heshiisiinta iyo xoojinta hirgelinta hannaanka Federaalka. Sidoo kale, Puntland waxay madaxda sare ee dowladda Federaalka ku eedaysay, in ay diideen in laga heshiiyo Sharciyada qeybta ka ah hirgelinta hannaanka Federaalka dalka sida dhammaystirka Dastuurka, qeybsiga awoodaha&kheyraadka, arrimaha doorashooyinka, hannaanka Cadaaladda iyo hab qeybsiga deeqaha. Dowladda Puntland, waxay sheegtay in Xukuumadda Federaalka ay xuquuqdii aas’aasiga ahayd ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed u adeegsanayso waddo siyaasadaysan, taasi oo ay caddayn u tahay Shahaadada Ardayda Puntland ee ay siyaasadaysay Villa Somalia. Dhinaca kale, war-murtiyeedka waxaa lagu go’aamiyay in shir weyne wada-tashiya la qabto 15-ka Maarso 2020, kaasi oo lagu marti-qaaday dhammaan xubnaha Puntland ku matala labada gole ee Baarlamanka Federaalka, dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland, si go’aan midaysan looga qaato dowladda federaalka Soomaaliya. Hoos ka akhriso war-murtiyeedka oo dhan PUNTLAND POST The post Nuxurka war-murtiyeedka ay soo saartay Puntland appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites