Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo dadka Reer Puntland isu’gu yeeray shir weyne wada-tashiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ,oo galabta warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso, ayaa ku baaqay in Shir Weyne wada-tashiya ay isu’gu yimaadan dhammaan dadka Reer Puntland, si mowqif midaysan looga qaato dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Deni, ayaa iclaamiyay in shirkaasi caasimadda Garoowe lagu qaban doono 15-ka bisha Maarso ee sannadkan 2020, waxaana uu shirka ku marti-qaaday Xildhibaannada labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ku matala Puntland iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee dadka Reer Puntland.

Madaxweynaha Puntland, ayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay, in ay baal-martay Nidaamkii lagu doortay ee Federaalism-ka, islamarkaana ay marooqsatay dhammaan Arrimihii masiiriga ahaa ee waddanka, halkii ay wada-tashi kala yeelan lahayd dowlad goboleedyada dalka.

Mudane Deni, ayaa sidoo kale dowladda Federaalka ku eedeeyay, in mudadii ay jirtay dagaal la gashay dowlad goboleedyadii dhisnaa, iyadoo adeegsanaysa hantidii Qaranka iyo ciidamadii loo soo tababaray in ay waddan ka xoreeyaan Argagixisada.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo dadka Reer Puntland isu’gu yeeray shir weyne wada-tashiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this