Sign in to follow this  
Deeq A.

Colaad ka taagneyd duleedka Kismaayo oo laga heshiiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Isimada dhaqanka iyo culimaa’uddiinka magaalada kismaayo, ayaa ku guuleystay in heshiis laga gaaro colaadii ka taagneyd degaanka Dalsan ee galbeedka kismaayo, halkaas oo dhowaan ay ku dagaallameen laba beelood.

Kulamo ka kala dhacay degaannada Dalsan iyo haad-weyne, oo ay garwadeen ka ahayeen Odayaasha dhaqanka iyo culimaa’uddiinka, ayaa laysugu keenay waxgaradka degaanadaasi, iyadoo odayaasha iyo culimada ay ku qanciyeen dhinacyada in dagaalku uusan xal ahayn, loona baahanyahay in wadahadal lagu xaliyo tabashooyinka jira.

Isimada dhaqanka iyo culimada oo sadax maalin ka hor tegay deganadaasi, ayaa waday dadaalo la isugu soo dhaweynayo beelaha walaalaha ah ee colaadu u dhaxeysay, waxayna ugu danbeyn ku guuleysteen, in  la gaaro heshiis ka kooban dhowr qodob kaas oo ay ugu waaweynaayeen xabad joojin degdeg ah, in la kala qaado ciidamada isku horfadhiyey deegaanadii ay colaadu ka dhacday, iyo in lasoo celiyo xasiloonida deegaanka.

Culimaa’uddiinka  magaalada kismaayo, ayaa odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka labada beel uga mahadceliyey, sida ay usoo dhaweeyeen dadaalada ay wadeen, islamarkaana ay oga ogolaadeen in xal laga gaaro colaadii halkaasi ku dhexmartay iyo in nabad iyo xasilooni lagu soo dabaalo degaanka.

PUNTLAND POST

The post Colaad ka taagneyd duleedka Kismaayo oo laga heshiiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this