Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Cabdirashiid Janan oo meel fagaare ah lagu arkay iyo war kasoo baxay Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Beled Xaawo (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland ayaa sheegay in madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan, iyo wasiirka amniga Cabdirashiid Janan ay maanta booqasho ku tageen degmada Beled Xaawo.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey warbaahinta Jublanad ayaa lagu yiri “Madaxweyne ku-xigeenka 1-aad ee Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada Jubaland ayaa booqday taliska ciidamada daraawiishta Jubaland ee degmada Beladxaawo, waxaana wasiirada ka mid ah wasiirka amniga Jubaland Cabdiraahiid Janan.”

Qoraalkan laguma bixin faah-faahin intaas ka badan, hase yeeshee waxaa la raaciyey sawirrada booqashada oo ay ka muuqdaan Maxamuud Sayid Aadan, Janan iyo xubno kale.

Caasimada Online si rasmi ah uma xaqiijin karto in goobta ay ku sugan yihiin Janan iyo Maxamuud Sayid Aadan tahay Beled-Xaawo, waxaana jira warar sheegaya inay tahay duleedka Beled-Xaawo ee dhanka xuduudda Kenya.

Muuqaalkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee muujinaya Cabdirashiid Janan oo meel fagaare ah taagan, tan iyo markii ay xiratay dowladda Soomaaliya 31-kii August 2019, ka hor inta aanu baxsan 28-kii Janaayo 2020.

Arrintan ayaa imaneysa malamo un kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ciidamadeeda ay qabsadeen degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, taasi oo dhalisay in Jubaland ay shaaciso in “dagaal lagu soo qaaday.”

84406216_1785514904915774_45154548366190 84754841_1785514948249103_30226434929511 84613462_1785515034915761_25092842970813 83759079_1785515124915752_57043247364571 84529655_1785515188249079_24453209468698 84619754_1785515274915737_12585173901576

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this