Deeq A. Posted February 7, 2020 Luuq (SMN) – Inta la xaqiijiyey saddex qof ayaa dhintay, 120 kelana waxaa lala tacaalayaa xaaladooda kadib markii ay ku sumoobeen hilib heel. Musiibadan ayaa laga soo wariyey miyiga magaalada Luuq ee gobolka Gedo, kaasoo hoostaga maamulka Jubaland. Agaasimaha Isbitaalka degmada Luuq, oo la dhigay bukaanada ayaa sheegay in ay gaadiid gurmadka u direen degaanka kadib qaylo dhaan. Dr Cabdi Aadan Maxamed ayaa sheegay in baaritaan ay ku ogaadeen in neefka ay hilibkiisa cuneyn dadkaan uu xanuunsanaa kahor inta aan la gowracin. Caqabadaha haatan ay wajahayaan ayuu ku qeexay dawo yari baahsan, isagoo codsaday in gurmad deg-deg ah loola soo gaaro sidda ugu dhaqsiyaha badan. Dhacdooyin noocaan ah ayaa horey looga soo wariyey degaano iyo degmooyin dhaca koonfurta si lamid ah bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites