Sign in to follow this  
Deeq A.

DF: Dad dano qabiil huwan ayaa diidan dowladnimada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] ayaa sheegay in dad dano qabiil wata ay diidan yihiin dowladnimada.

Maareeye oo u waramay warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in dadkaas oo uusan magacaabin ay iska indho-tirayaan wax-qabadka dowladda.

Beesha Caalamka ayuu xusay in ay qirsan tahay guulaha xukuumadda uga soo hooyey dhinacyadda ammaanka, dhaqaalaha iyo dowladnimadda.

Dhanka kale, wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in Muqdisho ay ka dhici doonan qaraxyo inta dad shacab ay gacanta ugu jiraan hub sharci darro ah.

Ugu dambeyntii, dowladda ayuu shaaca ka qaadey in ay qorshe cad ka leedahay arrintaas, wallow uusan carabaabin waqtiga saxda ah ee la fulin doonan qorshahaas uu tibaaxay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this