Sign in to follow this  
Deeq A.

Filish: Siyaasi Baasaboor ajnabi wata xal uma ahan dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka dhawaajiyey in siyaasi wata Baasaboor ajnabi ah uusan xal u ahayn dalka.

Cumar Maxamuud Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay in ay jiraan mas’uuliyiin sar-sarre oo doonaya in ay helaan Baasaboor shisheeye, taasoo uu dhaliilay.

Wallow uusan shaacin magacyadda, Cumar Filish ayaa soo jeediyey in laga shaqeeyo sidii sarre loogu qaadi lahaa Baasaboorka Soomaaliya.

Dhanka kale, duqa caasimadda ayaa shacabka ku booriyey in ay qeyb ka qaataan bilicda iyo xaqiijinta ammaanka magaala madaxda.

Hadalkaan ayuu ka sheegay munaasabad ka dhacday magaaladda Muqdisho, taasoo ay kasoo muuqdeen mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee dadweynaha caasimada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this