Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Al-shabaab oo Ceeldheer ku caleemo saartay Suldaanka cusub ee Beesha Waceysle

Recommended Posts

Deeq A.   

Ceeldheer (Caasimadda Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa Magaalada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ku caleema saartay Suldaan cusub oo ay yeelaneyso Beesha Waceysle ee Abgaal kaasoo kamid ahaa odayaashii taageersanaa kooxdaas.

Kulankaan oo ay si weyn usoo diyaarisay kooxda Al-Shabaab isla markaasna ay ka qeyb galeen Odayaasha Dhaqanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo Ardayda deegaanka Ceeldheer ayaa waxaa Suldaanka Beesha Waceysle loogu doortay Daa’uud Xasan Aadan.

Suldaan Daa’uud Xasan ayaa maamuli doono Deegaanka Ceeldheer oo ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-Shabaab, waxaana xafladda lagu caleema saaray kasoo qeybgalay qaar ka tirsan guddoomiyaasha deegaanada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.

Odayaashii Waceysle ee kasoo qeybgalay Xafladda oo u badnaa kuwa taageersan Al-Shabaab ayaa sheegay inay garab taagan yihiin kooxda Al-Shabaab isla markaasna ay ku midoobeen Suldaanka cusub.

Al-Shabaab ayaa Suldaanka cusub guddoonsiisay Kitaabka Qur’aanka, Calan, Qori iyo booshkiisa iyo Gaari Prado ah iyadoo faras lagu dhex mariyey Magaalada Ceel Dheer.

01.jpg 03.jpg 14.jpg 16.jpg 17.jpg 20.jpg 21.jpg 22.jpg 23.jpg 26.jpg 27.jpg 29.jpg 30.jpg 31.jpg 32.jpg 33.jpg 35.jpg 36.jpg 37.jpg 38.jpg 39.jpg 40.jpg 41.jpg 42.jpg 43.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this