Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin ka tirsan Jubaland oo lagu xiray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Mas’uuliyiin taageersanaa Jubaland oo kamid ahaa xubnaha ugu awooda badnaa gobolka Gedo ayaa lagu xiray Muqdisho.

Maxamed Xuseen Isxaaq [Al-qaadi], gudoomiye ku xigeenkii gobolka Gedo iyo Ismaaciil Qoran, gudoomiyihii Baardheere aya xorriyada laga qaadey.

Illo wareedyo ayaa u sheegay Shabelle in xubnahaan uu ku qanciyey in ay Muqdisho yimaadaan Taliyaha Qeybta 43aad ee ciidanka xooga.

Taliyaha ayaa lagu waramayaa in ay u balanqaadey lacag iyo xilal hadii ay ka tanaasulaan aragtida maamulka Axmed Madoobe.

Markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha aya la sheegay in ay la wareegeen ciidam gaar ah oo Dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Dowladda Soomaaliya ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay ku howlaneyd qorsheyaal ay isugu balaarineyso gobolka Gedo oo qeyb kamid ah ay qabsatay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this