Sign in to follow this  
Deeq A.

Cumar Filish: Tahriibka waxaa keena shaqo la’aanta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa soo xiray Bandhiga suuq-weynaha oo ka socday Maalintii labaad Magaalada Muqdisho.

Intii uu ku guda jiray hadal-jeedinta, Filish ayaa sheegay in tahriibka dhalinta arrimaha keenay ay kamid tahay shaqo la’aan.

Cumar Filish ayaa carabka ku dhuftay in ay diyaariyeen qorsheyaal balaaran oo ay wax kaga qabanayaan arrimahaas.

Dhalinyaradda ayuu ku booriyey in aysan cidna wax ka sugin isla markaana ay mar horey si gaar ah isu xilsaaraan in ay wax-qabsadaan.

Maamul ahaan ayuu caddeeyay in ay sameyn doonan wax kasta oo karaankooda si ay xal waara ugu keenaan dhibaatooyinka tahriibka.

Soomaaliya ayaa la sheegay in ay kamid tahay wadamadda ugu badan oo da’yartooda ay ku dhintaan badaha iyaddoo nolol wanaagsan ka raadinaya qaar kamid ah wadamadda caalamka ee dhibaatooyinka colaada ay ka jiraan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this