Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaadiid maalintii afaraad ku xayiran duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ku dhawaad 50 gaadiidka nooca xamuulka ah ee iskaga kala goosha magaala madaxda dalka iyo gobolada ayaa maalintii 4aad ku xayiran Isgoyska Ex-control Afgooye ee duleedka Muqdisho.

Qaar kamid ah wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in xilliyada habeenkii ah wadada loo oglaa, balse hada gabi ahaanba la joojiyey, isla markaana aysan mari karin wadooyinka doc-dhabaha-ah.

Gaadiidleyda isticmaasha wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa dhib ku qaba isticmaalka wadadaas tan iyo wixii ka dambeeyay qarixii Ex-control Afgooye 28 Dec ee khasaaraha badan sababay.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in la xiray jidkaas, sababo ku aadan ammaanka kooxda dhiseysa.

Wadada xiriirisa Muqdisho-Afgooye ayaa lagu waddaa dayactir balaaran oo ay maalgelineyso Qadar isla markaana ay fulineyso shirkad laga leeyahay waddanka Turkiga oo qandaraaska ku guuleystay.

Image may contain: sky and outdoorImage may contain: sky, cloud and outdoorImage may contain: sky and outdoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this