Deeq A. Posted February 7, 2020 Dhuusamareeb (SMN) – Qaban-qaabada xaflad balaaran oo lagu caleema saarayo Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor], madaxweynaha Galmudug ayaa socota. Munaasabadda oo aan wali la muddeyn xiliga ay qabsoomeyso ayaa la sheegay in loo saari doono koox gaar ah oo ka shaqeyneysa. Qoor-qoor oo shalay la kulmay qaar kamid ah bulshadda oo uu ka gudoomay xoolo loogu talagalay in lagu martiqaado martida ka qeybgaleysa doorashadaas. Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-qoor] ayaa loo doortay madaxweynaha Galmudug kadib doorasho ka dhacday magaaladda Dhuusamareeb. Caleema-saarkiisa ayaa la sheegayaa in ay ka qeybgeli doonan mas’uuliyiin kala duwan oo isugu jira dowladda federaalka, maamuladda iyo Beesha Caalamka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites