Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaamiyihii Al-Qaacida ee Gacanka Carbeed oo howlgal qorsheysan lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

New York (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Hoggaamiyihii Al-Qaacidda ee Gacanka Carbeed Qasim Al-Raymi lagu dilay howlgal laga fuliyey gudaha dalka Yeman.

Howlgalkaan ayaa waxaa xaqiijiyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay in ciidankiisa ay dileen hoggaamiyahaas oo xilkaas hayey tan iyo sanadkii 2015.

Labaatankii sano ee lasoo dhaafay, hoggaamiyaha la dilay ayaa lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey weeraro ka dhan ah danaha dalalka reer Galbeed.

110804247_hi059760937.jpg

Hoggaamiyihii uu xilka kala wareegay ayaa waxaa horey duqeyn dhanka cirka ah ku dileen ciidamo ka tirsan Dowladda Mareykanka.

Garabka Al-Qaacidda ee Gacanka Carbeed ayaa la sameeyey sanadkii 2009, waxaana loogu talagalay in looga hortago danaha Mareykanka iyo dalalka reer Galbeed ay ka  leeyihiin Gobolka.

Garabkaan ayaa si weyn ugu xoogaana dalka Yeman, waxaana fursad weyn siisay xasilooni darrida ka jirto dalkaas, waxaana Yemen howlgal Militari ku qaaday dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo xulafooda inkastoo aan weli wax natiijo ah laga gaarin.

Warka ku saabsan dilka Hoggaamiyahaan ayaa wuxuu soo ifbaxay bartamaha Bishii January ee sanadkaan inkastoo garabka Al-Qaacidda ee Gacan Carbeed ay sheegeen inaan la dilin iyagoo soo bandhigay cod uu hoggaamiyahooda duubay balse u muuqday inuu ahaa mid xilli hore la duubay.

110791512_90b02396-66b4-4309-95aa-eaff26

Qoraalka kasoo baxay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in si rasmi ah loo dilay Qasim Al-Raymi balse laguma xusin waqtiga la dilay.

“Dhimashadiisa waxaa ay sii kala daadineysaa Al-Qaacidada gacanka Carbeed iyo dhaqdhaqaaqa kooxda ee caalamka, waxaana ay inoo suurtagalineysaa in aynu ka takhalusno khatarta ay kooxdaas ku heyso nabadgelyada caalamka,” ayaa lagu yiri qoraalkii kasoo baxay aqalka cad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this