Sign in to follow this  
Deeq A.

Isimo ka tegay Sool iyo Ceyn oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, waxaa maanta lagu soo dhaweeyey isimo ka tegay gobolada Sool iyo Ceyn.

Isimadan ayaa kala ahaa Ugaas Maxamuud Cabdullaahi, Garaad Cabdisalaan Xasan iyo Suldaan Siciid Cismaan Cali, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Soomaaliya Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii soo dhaweeyey isimadan ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay door-muuqda ku leeyihiin dowladnimada Soomaaliya.

Suldaan Siciid Cismaan Cali oo u hadlay isimada ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta loo sameeyey, wuxuuna sheegay in ay dib ka sheegi doonaan u jeedada ay u yimaadeen Muqdisho.

Sidaan oo kale waxaa dhawaan Muqdisho gaaray isimo isugu jira Puntland iyo dowlad degaanka Soomaalida, kuwaas oo u tagay dhameynta heshiis beelo walaalo ah ay horey ugu gaareen degaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Qaar ka mid ah isimadaas ayaa la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo qaar ka mid safiirada caalamka, waxaana warar sheegayaan in ay kawada hadleen sidii maamul gaara loogu sameyn gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Isimadan maanta gaaray Muqdisho ayaa wararku tilmaamayaan in ay qeyb ka noqon doonaan qorshahaas.

PUNTLAND POST

The post Isimo ka tegay Sool iyo Ceyn oo lagu soo dhaweeyey Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this