Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoonka BF oo ka qeybgalay dib u eegista Dastuurka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddoomiya Golaha Shacabka ee BJFS Mudane ; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane ; Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qeyb galay kulan ay yeesheen Guddiga dib u eegista la socodka iyo hirgelinta Dastuurka Baarlamaanka iyo Guddiga Dastuurka ee madaxa bannaan,waxaana kulanka shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddoomiyaasha Labada Aqal ayaa labada gudi uga mahad celiyay howsha adag ee ay hayaan iyo sida ay uga go’antahay in Dastuurka la ansixiyo Bisha June ee Sanadkan.

Labada Guddi ayaa Guddoonka Baarlamaanka uga warbixiyay howsha dib u eegista Dastuurka halka ay mareyso, waxaanay Guddoonka Labadiisa Aqal ku wareejiyeen qormada Labaad ee Dastuurka sida geba-gabada kulanka ka dib uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

YC4A9641.jpg YC4A9699-1.jpg YC4A9712.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this