Deeq A. Posted February 6, 2020 Muqdisho (SMN) – Halka loogu talagalay in laga fuliyo mashruuc dhismaha casriga ah Marina Beach Estate ee degmada Kaaraan ayaa ah dhul baaxad weyn islamarkaana dhinac ka xigo dhul xeebeyd ay ka faa’ideysan doonaan maalgashiyaasha xaafada cusub ee Marina Beach. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay hirgalinta mashruucan iyada oo ay goob jog ka ahaayeen wasiiro iyo xildhibaano katirsan DFS, ra’isul wasaarihii hore ee Dowlada Soomaaliya, duubabka dhaqanka, ganacsato iyo mas’uuliyiin kala duwan. Liino Xasan Maxamed oo ah guddoomiyaha xaafada cusub ee Marina Beach ayaa tilmaamtay mashruucan oo ka koobnaan doono dhowr qeybood oo si casri ah loo hirgalin doono. Xildhibaan Caasha Koos iyo Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo munaasabada ka hadlay ayaa bogaadiyay hirgalinta xaafadan cusub. Ra’isul wasaarihii hore ee Dowlada Soomaaliya Cali Maxamed Geedi waxa uu ku dhiirgaliyay ganacsatada Soomaaliyeed in ay maalgashi xoogan ku sameeyan dalkooda. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa goobta ka sheegay in Ilaahey uu dalkeena ku maneestay kheyraad kala duwan oo u baahan in laga faa’ideysto islamarkaana lagu tartamo wanaaga iyo horumarka. Wasiirka Ganacsiga XFS Eng Cabdullaahi Cali Xasan ayaa tilmaamay in horumara kala duwan oo bogaadin mudan ay dalka ka socdaan. Ugu dambeyntii, Cumar Filish oo soo hadal-qaadey hanaanka loo marayo helista maqaamka magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in ay sameyn doonan latashiyo kala duwan isla markaana rajo ka qabaan in la helo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites