Deeq A. Posted February 6, 2020 Dhuusaamreeb (SMN) – Madaxwaynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan mahad celin ah kula qaatay xarunta Madaxtooyada Galmudug Taliyayaasha Ciidamada Amisom ee ku sugan Deegaanada Galmudug. Qoor-qoor ayaa la sheegay in uu saraakiisha uga mahadceliyey shaqada adag ay u hayaan bulshada ku dhaqan deegaanada dowlad goboleedkaas. Saraakiisha ayaa la tilmaamay in ay balanqaadeen in ay maamulkiisa si dhow ula shaqeyn doonan ayna qeyb ka noqonayaan dagaalka Al-Shabaab. Gabagabadii, Qoor-qoor ayaa la tibaaxay in uu xubnahaan ka codsaday in ay maamulkiisa kala shaqeeyaan nabad-gelyadda isagoo shacabka ku booriyey in ay qeyb ka qaataan sidii gacanta dowlad goboleedka loogu soo celin lahaa degaaanada ka maqan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites