Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor-qoor oo la kulmay saraakiil ka tirsan AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusaamreeb (SMN) – Madaxwaynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan mahad celin ah kula qaatay xarunta Madaxtooyada Galmudug Taliyayaasha Ciidamada Amisom ee ku sugan Deegaanada Galmudug.

Qoor-qoor ayaa la sheegay in uu saraakiisha uga mahadceliyey shaqada adag ay u hayaan bulshada ku dhaqan deegaanada dowlad goboleedkaas.

Saraakiisha ayaa la tilmaamay in ay balanqaadeen in ay maamulkiisa si dhow ula shaqeyn doonan ayna qeyb ka noqonayaan dagaalka Al-Shabaab.

Gabagabadii, Qoor-qoor ayaa la tibaaxay in uu xubnahaan ka codsaday in ay maamulkiisa kala shaqeeyaan nabad-gelyadda isagoo shacabka ku booriyey in ay qeyb ka qaataan sidii gacanta dowlad goboleedka loogu soo celin lahaa degaaanada ka maqan.

Image may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 3 peopleImage may contain: 1 person

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this