Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Turkiga ee oo mudada loo kordhiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Baarlamaanka dalka Turkiga oo kulan ku yeeshay magaalada Ankara ayaa muddo hal sano ah ugu kordhiyay Ciidamada ka howlgala dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Gacanka Cadmeed.

Ciidamada Turkiga ee mudo kordhinta loo sameeyay ayaa waxa ay isugu jiraan kuwo ilaaliya Maraakiibta mara Biyaha Soomaaliya, Gacanka Cadan iyo Marin biyoodka Baabal Mandab.

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa dood dheer kadib waxa ay isku raaceen in Ciidamadooda ay sii joogaan ilaa 10-ka February ee Sanadka 2021ka, waana markii 12-aaad tan iyo 2008 oo baarlamaanka Turkiga uu muddo kordhin u sameeynayo Ciidamada Turkiga ee ka howlgala Bariga Afrika iyo Gacanka Khaliijka Carabta.

Ugu danbeyn joogitaanka ciidamada Turkiga ee biyaha Soomaaliya,gacanka Cadan iyo biyaha carbeed ayaa wax badan ka tara amaanka Marin Biyoodka Baabal Mandab oo ah midka 4aad ee ugu adeegsiga badan Caalamka, waxaana marinkaasi ku kala goosha maraakiibta sida shixnadaha ganacsiga iyo maraakiibta qaada saliida ay soo saaraan dalal ka tirsan bariga dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this