Deeq A. Posted February 6, 2020 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo kulan caalami ah uga qeyb galayay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa jeediyay khudbad uu uga hadlay colaadaha kajira geeska Africa iyo saameynta Al-shabaab ee gobolka. Madaxweyne Uhuru ayaa inta ay khudbadiisa socotay sheegay in loo baahanyahay in Mareykanka uu saaxiib dhaw la noqdo dalalka dagaalka xoogan kula jira argagixisada geeska Africa,sida uu hadlaka u dhigay madxweyne Uhuru. Sidoo kale madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa tilmaamay in kooxaha argagixisida ee geeska Africa ay isku uruursanayaan in ay hor joogsadaan horumarka gobolka,sidaas darteedna loo baahanyahay in meel looga soo wada jeesto. Uhuru ayaa sheegay in dagaalyahanada Alshabaab oo uu sheegay in ay tahay in dhaqaale badan uu kasoo galo suuqa madoow iyo ganacsiga sharci darada,isagoo dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamka ugu baaqay in arintaasi ay tahay in wax laga qabto. Isagoo sii hadlayay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in dedaalada lagu doonayo in lagu wiiqo awooda Alshabaab ay qeyb weyn ka qaadaneyso in laga hor joogsado dhaqaalaha ay sameeyaan. Dowlada Kenya ayaa dagaal xoogan kula jirta Alshabaab oo qeybo kamid ah dalkaasi Kenya inta badan ka fuliya weeraro qasaara geysta,waxaana ugu danbeeyay weeraro Alshabaab ay ka fuliyeen deegaano katirsan gobolka woqooyi bari dalka Kenya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites