Deeq A. Posted February 6, 2020 Gaalkacyo (SMN) – Ugu yaraan saddex qof ayaa dhimatay kadib markii rasaas lagu furay gaari ay la socdeen oo marayey qaybo kamid ah gobolka Mudug. Dhacdadaan ayaa laga soo wariyey degaan 35 KM dhanka galbeed kaga toosan magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolkaas. Maxamuud Cilmi Gulaafe, oo kamid ah saraakiisha booliska, ayaa sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen shacab gaar ahaan ganacsatada Khaadka. Dadka degaanka ayaa sheegay in dilkaan ay ka dambeeyeen maleeyshiyaad ka yimid degaano ka tirsan maamul goboleedka Puntland. Muddooyinkii u dambeeyay dilalka noocaan ah ayaa aad ugu yaraa gobolka, waxaana ay ka dambeysay markii ciidamo isku dhaf ah loo sameeyay magaalada. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/Kaak.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites