Sign in to follow this  
Deeq A.

Uhuru KENYATTA oo soo jeediyey talo dhaqaalaha looga jarayo Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Dowladda Soomaaliya usoo jeediyey talo ku aadan sidii dhaqaalaha looga jari lahaa Kooxda Al-Shabaab mar uu ka hadlayey madasha Atlantic Council.

Kenyatta ayaa madasha ka sheegay in kooxaha xagjiriinta ah, Maleeshiyaadka iyo Dambiilayaasha ay mar hore saameyn xun ku yeesheen xasiloonida iyo midnimada Gobolka.

Uhuru ayaa si cad u sheegay inaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjiriinta ah aan marnaba lagu guuleysan karin in laga jaro dhaqaalaha haddii aan si cad looga hortagin musuq maasuqa iyo Suuqa madow.

Beesha Caalamka iyo Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqay inay iska kaashadaan sidii looga hortagi lahaa wax isdabamarinta taasoo uu arko inay tahay wadada kaliya ee Al-Shabaab looga adkaan karo.

Uhuru ayaa si gaar ah ugu taliyey in laga hortagi ganacsiga sharcci darada iyo midka suuqa madow.

Ugu dambeyntii Uhuru ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan Soomaaliya ay sabab u tahay dagaal wakiileed ka socdo dalka inkastoo uusan magacaabin cid gaar ah.

Hadalka Uhuru Kenyatta ayaa kusoo aadayo xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo u dhaxeyso Soomaaliya iyo Kenya iyadoo Shalay ay Dowladda Soomaaliya soo saartay digniin ku aadan inay Kenya joojiso faragelinta siyaasadeed iyo midka ciidan oo ay ka wado gudaha Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this