Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan AMISOM oo ku dhaga beelay weerarada Al-Shabaab oo la gudoonsiiyay Qalabka maqalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamo ka tirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa la guddoon siiyey qalabka fududeeyo maqalka kadib markii ay ku dhaga beeleen weerarada ay kusoo qaadaan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto Gudaha Soomaaliya.

Ciidamadaan oo u dhashay dalka Uganda tiradoodana tahay 23 askari ayaa ku dhaga beelay jugta weerarada Al-Shabaab kusoo qaadeen saldhigyadooda, waxaana qalabkaana loo siiyey si ay si fiican wax ugu maqlaan.

Mid kamid ah Askartaas oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay inuu muddo afar bil ah dhibaato ku qabo maqal la’aan ka dhalatay dagaaladii ay la galeen AL-Shabaab intii ay ka tirsanaayeen howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Askarigaan oo magaciisa qarixiyey isla markaasna aan fasax u heysan inuu la hadlo Saxaafadda ayaa sheegay inuu maqalkiisa waayey markii uu qarax ka dhacay meel u dhow saldhigii ay ku sugnaayeen.

AMI-696x361-1.jpg

Qalabka la guddoon siiyey askartaan ku dhaga beelay dagaalada Al-Shabaab ayaa waxaa bixisay hey’adda wax maqalka ee The Starkey Hearing Foundation, waxayna hey’adda u ballan qaaday ciidamadaas inay lacag la’aan ku siin doonto batariga loo isticmaalo qalabkaas.

Xafladda ciidamadaan lagu siinayey qalabkaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira oo isaga guddoonsiiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this