Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerartay kolanyo ciidano Kenyan ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay gobolka Jubada Hoose ku weerareen ciidamo Kenyan ah.

Weerarka oo ku bilowday qarax wadada dhinaceeda la dhigay ayaa sababay dagaal fool-fool ah oo dhinacyadda dhexmaray.

Weerarka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Qooqaani iyo Dhoobley. Ciidanka waxaa la beegsaday iyagoo maraya degaanka Taabta.

Dadka degaanka ayaa Shabelle u sheegay in uu jiro khasaaro soo kala gaarey dhinacyadda, wallow aanan la xaqiijin tiradda guud.

Ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalka oo kasoo baxay dhanka Ciidamadda AMISOM, laamaha ammaanka Jubaland iyo Al-Shabaab.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/02/KA.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this