Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Geelle: Ma qabo in ay korortay awoodda Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Waddanka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wax laga weydiiyay kororka la sheegay in uu ku yimid awooddii Al Shabaab ayaa sheegay in uusan aaminsaneyn  in ay korortay awoodda ururkaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay awoodda malasyhiyaadka Al Shabaab ku soo uruurtay qarax meel la dhigo iyo in ay wax ku weeraraan gaadiid laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay Al Shabaab arkaysa dib u dhiska ku socda Ciidamada Qalabka Sida iyo horumarada dalka ka jira.

2007-dii ayay dagaalkoodu bilaabeen, wadanka Soomaaliyana inuu soo dhismayo way arkayaan, inuu ka soo kabanayo dhibaatooyinkii xagga amniga ka haystayna way arkayaan, in ciidamadu iminka tababaro wanaagsan qaataana way arkayaan, in laga gacan-sareeyana way arkayaan.” Ayuu yiri madaxweyne Geelle.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Geelle: Ma qabo in ay korortay awoodda Al Shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this