Deeq A. Posted February 6, 2020 Wararka ka imaanaya magaalada Xaafada Black Sea ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas Kooxo hubeysan ay ku dileen Darawal Mooto Bajaaj. Rag ku labisan direeska Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in saaka Xaafada Black Sea degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dilay Wiil Bajaajle ahaa waxaana la sheegay in kooxdii dilka geysatay ay Mobile kii ka qaateen Marxuumka ay dileen. Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in kooxda dilka geysatay in ay doonayeen marxuumka in ay ka dhacaan Mooto Bajaajta uu ku shaqeysanayay muran kadibna ay toogteen. Meydka marxuumka waxaa goobta ka qaaday dadka degaanka oo ku wareejiyay Eheladiisii. Inta badan Darawalada Mooto Bajaajka kexeeya ayaa tacadiyo kala duwan la kulma taas oo ay ugu badantahay dilalka iyo dhaawac askarta dowladda iyada sidoo kale ay u gaarsadaan kooxo burcad ah oo dhac u geysata. PUNTLAND POST The post Dareewal Mooto Bajaaj oo lagu dilay magaalada Muqdisho appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites