Sign in to follow this  
Deeq A.

Ismaacil Cumar Geelle ” Awooddii Al-Shabaab waa la wiiqay waxayna ogaadeen in…”

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaacil Cumar Geelle ayaa ka hadlay Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ee lagula dagaalmayo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Mudane Geelle ayaa sheegay in awooddii kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay sii yaraaneyso marka loo fiiriyo waqtigii ay dagaalkooda bilaabeen ee sanadkii 2007 sida uu hadalka u dhigay xillii uu wareysi siinayey Idaacadda VOA qeybteeda afka Soomaaliga.

Madaxweyne Geelle ayaa tilmaamay in Kooxda Al-Shabaab ay hadda ogaadeen inaysan sii wadi karin dagaalka ka dhanka ah Dowladda Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

” 2007 ayey dagaalkooda bilaabeen, wadanka Soomaaliya inuu soo dhismayana way arkayaan, inuu kasoo kabanayo dhibaatooyinkii dhanka amniga ka heystayna way arkayaan, in Ciidamada Tababar wanaagsan qaataana way arkaan, in laga gacan sareeyana way arkaan” ayuu yiri Mr. Geelle.

Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha Soomaaliya ay ka joogaan Ciidamada ku howlgalla Magaca AMISOM, waxana Boqolaal Askari ay ka howlgalaan degmooyin kamid ah Gobolka Hiiraan.

Howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa socdo muddo ka badan 10 sano, waxaana muuqato inaysan weli wiiqin awooddii AL-Shabaab inkastoo goobo badan laga saaray haddana waxay weli wadaan weeraro iyo dilal qorsheysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this