Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Puntland oo xiray wariyihii gaarka ee Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxay xariga xalay booliiska maamulka Puntland ay magaalada Garoowe  ugu geysteen wariye Cumar Maxamed Soomane oo ahaa wariyihii gaarka ahaa ee madaxweynaha Puntland.

Booliiska maamulka Puntland ayaa wariyihii gaarka ahaa ee madaxweyne Deni ka qabtay maqaayad ku taala magaalada Garoowe,waxaana intaa kadib booliiska ay xabsiga u taxaabeen wariye Cumar Maxamed Soomane.

Taliska Booliiska Puntland ayaan faahfaahin ka bixin xariga wariyihii gaarka ahaa ee madaxweyne Saciid Cabdulaahi Deni,balse warar hor dhac ah ayaa sheegaya in wariyaha loo heysto warar uu tabiyay oo ku saabsan in arday kasoo jeeda maamulka Puntland ay usoo safreen magaalada Muqdisho,si ay u galaan imtaxaanka shahaadiga ee qaranka oo ardayda Puntland aysan ka qey galain sanadkii lasoo dhaafay.

Sidoo kale madaxtooyada Puntland ayaan ka hadlin xariga loo geystay wariyihii gaarka ahaa ee madaxweyne Deni Cumar Maxamed Soomane oo xalay booliiska maamulka Puntland ay ku xireen magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this